GULAYSTAYAASHII 2019
- Cabduraxmaan AxmedXasan (AWTAAD)
Maanso Gulaystaha – kowaad ( Qaran-Doon )
Maansada qabiir baan ku ahay qaabka loo dhigo’e
Indhaweydse kumaanan qorin qubaneheediiye
Waayadan qarracan baan ahaa qulub daraaddiiye
Qalfooftayda uumbaad arkiye qaayib baan ahaye
Qiiray dadkaygow ilmadu iiga qubataaye
Intaa waan qunuudaa sidii daaci qaariyahe
Qalbigaygu wuu qaadayaa qoomkanoo idile
Qolo qolona waan necebihiyo ruux qabyaaliya’e
Abwaan qaran ayaan ahay haddaad igu qancaysaane
Maantana wax baan qoonsadoo aad u qaro weyne
Gabay aad qumbulad mooddo baan soo qaddimayaaye
Qoodhiin iyo xeradiin tixdani waydin qabataaye
Qudbad weeye aan idin la rabo inaydun qaaddaane
Qalbigiinna ii fura tixdani waa mid qaaliya’e
War dadkiinnan qiiraysanow qabar ma haysaane
Xogta qaalibkeedii anaa Qaasinow helaye
Duulkani qiyaanay wadaan been qasaasilane
Inkastoo dalkani qani yahoo qadanku uu buuxo
Qaxoontiga biyaha tuugayee xero ku qawdaaran
Qaraxyada dadkeennii madhshee lagu qudhgoynaayo
Qabiillada iswada laynayiyo aanadiyo qoofka
Wadaaddadan isqayb qaybiyee kala qaloonaaya
Ee diintu waa shay qudhee qolaba meel aadday
Darbi-jiifkan qaaqaawanee qudhunka nuugaaya
Qadafkiyo kufsiga qaali dumar qaladka loo geysan
Ciidammadan midh aan qabaninnee laamiyada qaada
Mar hadday ku qayb qaybiyaan way ku qalayaane
Shisheeyahakan qayraadka iyo cunaya quudkeenna
Qalbigay xanuusada sidaan qaafilkaw nahaye
Qilaafiyo dhibaatiyo haddii qaxarku joogtoobay
In wax laga qabtaa dawladnimo loo qotomiyaaye
Balse nimanki aan qaybinnee qaranka loo dhiibay
Qarbigiyo Imaaraadka bay daba qableeyaane
Qaar baw qabbaanoo intaa waw qulqulayaane
Waa niman qadhaabdoon tagoo qiimahood dhacaye
Nama qabato soomaaliyeey quudhsi iyo liide
Qofnimada la iibsanahayee quudka laga doortay
Qayrkaa inaad tuugsatood qamandhacoon weydo
Allyeylehe wax ‘qaaq’ laga dhihiyo waa quduro weyne
Qabkii iyo hankii baa dhintoo qiiradii maleh
Sida adhi qabaal loo dhigoo jeel la qubanayaaya
Waxa lagu qamaamaayo waa xoolihii qarane
Qudhqudhadu magaabada ka wayn geeljiraa qiraye
Qasnadaa la wada buuxsadoon cidu ka qaadayne
Mar haddii qofkaan aamminnaba nala qiyaanaayo
Oy qawda maqashii un tahay shayna haw qabannin
Oo aan qofina noo maqnayn qaayid baan jirine
Anigays xilqaamoo u qumay qadiyaddeennaase
Xilka qaran ayaan doonayaa qabashadiisaase
Qabanqaabadiisaan wadaa qaabka loo maro
Xagarkii qayoof baan ku koray qaydhabnimadiiye
Weligayna hawl aan u qumay qiil kamuu imane
Ballan waxaan ku qaadaana waa inay qabsoomaane
Allaha Qaaddirka ah baan baryoo ii qareen noqone
Idinkuna ha qaaddicina waad ku qanci doontaane
Waxba gabayga yaan sii qurbine waan qatimayaaye
Qumbe dhacay dibbaa laga qabtaa loo qotomiyaaye
Mar uumbuu Allaha Qaadirka ah qiil inoo furiye
War ha quusannina dawladnimo waa wax noo qorane.
2) Kamaal Shaacir
MAANSO ( Dumar waa Hadhmacaan )
Dumar waa hibadeena oo
Hanti weeye adduunyoo
Eebbe noo hadiyeeyayoo
Huri mayno wanaagiyoo
Halkay noogu jiraane
Waa in loo halgamaaye
Nafteenaa u huraanaayoo
Iyagaa na habaayayoo
Horaadkii najaqsiiyayoo
Habeenkii iyo maalin
Markay hiirtu dilaacdo
Iyagaa huraddii iyo
Ka huleelayay jiifka oo
Marna aan hadhsanayne
Waa in loo halgamaaye
Naftna aan u hurnaaye
Iyagaan nahabaabinoo
Hagaag noo korinayayoo
Noogu deeqay horaadkiyo
Caano aan la helayne
Waa in loo hal gamaayoo
Nafta aan u hurnaaye
Naxariis iyo haybiyoo
Hadalkaaga wanaagsan
Markaad hooyo tidhaahdo
Sidaan kugu hilooba een
Hareertaada u joogo
Hadhacaaga agtiisaan
Ku haraad baxaynaaye
Waa in loo hal gamaayoo
Nafta aan u hurnaaye
Qofkii aan hugun kaagiyo
Hawraartaa dhagaysan
Hoobaalaydi u qaadin
Uu habbaabirayaayoo
Hurdaduu ka sasaaye
Waa in loo hal gamaayoo
Nafta aan u hurnaaye
Hal haysbaa o dhanaayey
Nin hoggaan ku wacaanada
Nin halyey lala yaabo
Hanadkii lagu raysto
Haldoor guulaha gaadha
Hal-abuur lagu faano
Haweenbaa ka danbeeya
Miyaa taa la hilmaamey
Hadhaceeda fardawsa
Hoobanteeda bislaatey
Hadh qabaw iyo nuurka
janno loo haminaayo
hanti aan lagu goynin
ka hungoobayo gaalku
adoomuhu hirtaana
saw hoosteeda ma taalo
ninkay hooyo habaartey
isna aan ka hagaagin
hadafkiisa magaadhoo
hoos uun buu u dhacaayoo
hadimaa u danbaysa
Waa in loo halgamaayoo
Nafta aan u hurnaaye
Hoygii aan dumar jooyin
Ama aanay hagajin
Hurdo kuu qaban maysa oo
Waadka haajiri uune
Waa in loo halgamaayoo
Nafta aan u hurnaaye
Wuxuunbaa taba hooyo
Ninkii aaney horgooninee
Xabaal looga hamsiiyayeen
Hummaageeda arkayne
Akhlaaqdii ka halaabey
Asaagiisana hiigsan ee
Haddal kooba xaqeeda
Maanta waan heelayne
Intay kuu halgamaysay
Intayhaankakusaartey
Intaaduurkahurdaysay
Intaadnuugtayhoraadka
Inatayfooshahantaaqdey
Maalintaad ka habawdow
Sidaykuguhilawdo
Hagardaamo u gaadho
Huqda ciilka ku raga
Markii ay hadhsanwaydoo
Sidaykuguharaado
Eehelabeloda u hayso
Ilaahowhibadaada
Maalintaykuhorjoogto
Ruuxna aannu haddlaynin
Ninba hawshu sugayso
Cishadaa u hadheeyoo
Hoosiiskeedafardawsa
Hoobaanteed gurtaayoo
Hurdadii kuladdaayoo
Mar uun haakah tidhaayee
3) Najax AadanFaarax
SHEEKO
Waxa ay joogtaa maagalada Muqdisho waxay diyaarisay political science. Waxay qortay ilaa iyo afar buug. Waxay ka shaqaysaa wasaarada waxbarashada, waana curiye
Waxaan Sooray Murug Kama aanan bixin guriga hooyo iyo aabbe, mana dhaafin dugsiga iyo cidda aan dabka u doono.
Iskuul ma dhiganjirin, waayo ma awoodin reerkeenu. Waxaan soogaaray, sanadkii 12aad, markay da’daydu intaas ahayd ayey hooyo iga codsatay in aan u shaqeeyo reer, daruu fahaji raawgood, waana ka aqbalay hooyo soojeedinteedii. Waxaa galab casar liiqahla ii kaxeeyey reer ka fog gurigeena si aan ugu shaqeeyo, waligayna ka aanan bixin laabta hooyo iyo aabbe, laakiin galabta waan kasoobaxay. Waxaa la ibaray reerkii, hooyana way ii dardaarantay wayna igasootagtay! Waxaan sii eegayey hooyo ilaa ay ka libiqday, qalbiguna hooyo ayuu raacay, waana awoodi waayey in aan hal mar ka il biriqsado ilaa iyo intii ay ka libdhaysey.
Anigoo sii eegaya hooyo ayaan mar qudha hadal aan naxariis lahayn dhegtaydoon wali maqlin hadal macaan maahane hadal kale ay ma qashay “naayaa, kaalay shaqayso. Marmar horaa maahsanaan bilowday.” Umaan daymo la’aanine waan soo jaleecayaniga oo aad moodid in naartii aakhiro la iiga yeedhay mise waa islaan indhaha galka kala soo baxday! Wajigaygu wali ma qaabilin qof sidaan oo kale ah, mana xasuusto jawaabtii aan bixiyey, waayo waan sasanaa.
Tu yar ooislaantu dhashay ayaa iyana la sooboodday hadal anan maqlin abid, “Hooyo maxay kaafiirinaysaa, may shaqaysato”. Waajib ma ahan in aan kuusheego wax yaalihii oodhan, waayo waan dareemayaa in aad ii damqanaysid.
Waxaan bilaabay shaqadii guriga aniga oo cabsi igujirto, illeen waxaan ahay naf la soo handaday oo daciifsan. Waxaan waayey fir-fircoonaantaydii hore. Waxaa I siidaciifiya hadal adagaabkadaranoo la ii adeegsado.
Waxaan kufarxijiray labowaqti oohadda ii ah labada waqti ee aan naxo markii la gaadho. Waan jeclaa cadceedda arooryaad in aanfiirsado iyo marka ay Qoraxdu siidhacayso oo ay fallaarada bixiso, laakiin hadda waan nacay oo markuu waagu ii dillaaco ayaan dareemaa murug, waayo maalintu way adagtahay wayna iladheertahay, waxaana maalintayda ku dhamaystaa ciqaab. In aan fadhiisto la iimaogola, in aan qoslona dhibayey kutahay reerka aan u shaqeeyo.
Maalmuhu waa ay socdeen oo imaysugeen aniga e, waxaan lajoogaa reerka aan u shaqeeyo saddexsano. Saddexdaas sano qasab maahan in aan kaaga sheekeeyo dhibkii aan lasoo kulmayee ka tusaalo qaado intiiyarayd ee aan kaaga soo sheekeeyey. Maalin ii may wacnaan noloshu, saddexdaas sano. Waxaan nafis dareemijiray maalmahaay hooyo i soo booqato. Shaqadii aan shaqaynayey waxaan heer kugaadh siiyey hooyo iyo carruurtii iga yar-yarayd, balse waligay hooyo umaan sheegin, manadareensiin in aan reer kan dhibku qabo, waayo waan dhoolo caddaynjiray marka aan arko hooyo, mar allaale markii ay iga libiqdana waan ilmeynjiray.
Waxaan noloshaas u dulqaataba waxaa ilasoo darsey xanuun ah dhanka dhegaha. Maanhelin dawo markaan dareemayo xanuunka dhagaha.Waxaan dareemayey dhega-culays aanan maqalayn hadalka dadka ii dhow,waana dareemayoo aan yaqiinsaday in ay murugtii badnayd dhegahayga qarxisay, waligeyna ma helin hadda ka hor suuragalnimada in aan qof u sheego qisadayda noo aan nafishelo, haddase waxaan u sheegay oo iga qortay walaashay Najaax Aadan Faarah.
Maalmo kadib waxaan waayey maqalkii dhegaha oo dhan. Waxba ma maqlo. Kama anhelin naxariis, ka dib markay ii wacdo islaanta reerka leh ma maqlo oo waan dhego-cuslaaday, haddaan u sheegana imarumaysato. Waxaa igu bilaabmay dili yo in ay idisho markii ay u fahanto in aan dhagaysanayo. Markaan u dulqaatay labobilood ayaa waxaa dhacday in ay maaliniiyeedhay oo aan maqli waayey. Waxaa islaanta agteeda taalley maalintaas kal xawaashi, wayna igusoo halgaaday, waxayna igagadhacday gacanta midig, waanna ka jabay.
Waan qayliyey oo waan awoodi waayey in aan xanuunka jabniinka u adkaysto, wayna dareentay in ay wax xoog ah igaadheen laakinismayodhan way jabtay. Intay ii timid ayey dharbaaxo iigudartay oo I tidhi “kibir ayaad la oynaysaa oo waxba kumagaadhin ee maxaad ii dhagaysanaysaa?” Waxaan damcay in aan hadlo intii aanan hadlin waxay ii raacisay “iigabax guriiga naagi dhagaysanaysa iimajoogayso aniga e” oointayqoortaigaqabataybannaanka ii sootuurtay.
Waan soobaxay, xoogaa markii aan ka soo fogaaday gurigeedii ayaan ku dhacay meel u dhawayd maamo Sahra gurigeeda, waa maamada dhaqtarka igeysay e, dhaqtarkii wuxuu sheegay in aan jabnahay. Maamada waxaan usheegay halka aan degannahay, waxayna iigu ciddirtay hooyo, hooyana way timid, waana la ikabay. Hadda waxaan ku noolahay gurgii hooyomacan’ waanna dhega la’ ahay walina ma gamin. Ma jirto xuquuqdaydii qof ka hadlay una dooday waana nasiibdarada haysata gabdhaha Soomaaliyeed ee ilamid ka ah.
4) Abubakar CabdullaahiMaxamed Ducaysane
Sheeko ( Jihaad )
Allah waxa uu iga beeray laba waalid oo aad ii jecel, igu dadaalay, kuna dadaalaya in inta ay naftu igujirto ee aan carradan dusheeda saranahay aanan ciil iyo caloolxuma toona kunoolaan. Sidoo kale, ku dadaalaaya inaan ku noolaado nolol qurux badan oo aan qeyrkeyga ka liidan.
Markii aan gaadhayda’da waxbarashada waxa ay isooqoreen malcaamad aanka fogeyn xaafadda aan degganayn. Maalintiikoowaad ee aan tagay dugsiga Qur’aanka waxa aandareemayay farxad, sababtoo ah waxaaan jeclaa in aan noqdo XaafidulQur’aan, oo aadbaan ugu dadaali jiray barashadiisa. Waqtigeyga inta ugu badan waxa aangalin jiray dhageysiga Qur’aanka, akhrintiisa, iyoxifdintiisa. Waqtigu waa uu cararayaa, oo durba waxaa kasoo wareegtay 3 sano iyo dheeraad. Maanta waxa ay ii tahay maalin farxadeed, oo waxaaan dhammeeyay Qur’aanka, oo guradaayaanqaybay. Soddonka Jus. Labadeyda waalid waxa ay igu hambelyeeyeen in aan dushaka qabtay Qawlka Eebbe weyne. Hooyo iyo Aabbo waxa ay macallinkeyga ukeeneen labaMacawis Sabar ah, laba Shaar iyo lacag. Macallin Maxammed waa ii duceeyay, sidaas ayuunna igu sagootiyay.
Saaka waa subax Axad ah, waxaa la iisooqoray Dugsi. Waxaa suuqa la iiga sooiibiyay Shaar caddaan ah, Surwaal baluug ah, iyo Kabo Buudh ah. Fasalka sannadkan aan dhigan doono waxaa wax ka barta kudhawaad Afartameeyo ardey. Aabbe Xasan waxa uu ka shaqeeyaa mid ka mid ah Shirkadaha isgaadhsiinta Dalka hooyo.
Hooyo Faadumo waxa ay leedahay Carwo lagu iibiyo Dharka. Malcaamaddii kama aanan tagin waxa aan ka noqday Kabiir. Macallin/bare Maxammed ayaan caawiyaa galabtii, oo ardeyda ayaan kala eegaa. Bare Maxammed waa aftahan sheekayaqaan ah, oo kuxeeldheer sida adanaha looga dhaadhiciyo afkaarta. Waayadii dambe waxa uubilaabay inuu ilawadaago wacdi kusaabsan Jihaadka, mararka qaarkoodna waxa uunoo daarijiray Canjalado lagasoo duubay dad isqarxinaya, kuwa la dilaayo, dhallinyaro, iyo carruur la tababbarayo. Inta uu damiyo muuqaalka ayuu igu odhanjiray; “Waaasaaggaa waxa ay difaacayaan sharafta Islaamka, haddii ay dhintaan waxa ay galayaan Jannada, haddii ay noolaadaanna waxaay kunoolaanayaan nolol xayaata leh.”
Waa galabnimo arbaca ah saacaduwaxaay kubeegantahay Abbaaro 5:45pm. Ardeydii Madarasadda waa la fasaxay, labadayada ayaa kusoo hadhnay Madarasadda. Waxaa hadalka bilaabay Ustaad Maxamed “Muscaboow, waad weynaatay maanta waxaaad ku jirtaa da’dii muslimiinta aad ugargaarilaheyd, ee aad u khidmeynlaheyd. Waxa aan kusiinayaa talo ku anficidoonta adduun iyo aakhiroba.
Maanta waad aragtaa waddammada islaamku sida ayyihiin awood ahaan iyo dhaqaale ahaan. Waxaa u taliya hoggaamiyaal Gaalo-raac ah, kana amarqaata kuna xukuma shuruuc ay qoreen baadariyiin. Waxaa loo baahanyahay in dunida ay kataliyaan Amiirro, kumana imaneyso in aan iskafadhino, cabno, cunno oo jiifsano. Waxa ay ku imaneysaa dhallinyaro u kacda waqtina u hura daafacidda karaamada dadkeenna. Maanta waxaaad tahay nin dhallinyara ah, caafimaadqaba, firaaqa heysta, haddii aadan ugafaaii’deysan Jihaadka, aakhira waa lagu weydiindoonaa, Muscab yare, mujaahidiinta xaqu-dirirka waa in aad kubiirtaa.Maalinnimada Jimcada ah waxaad raacidoontaa dhallinyaro ku soobiirtay Xarakada, loona qaadidoono Tababbar.” Hadalka waxa uu ii siiraaciyay “Waan kuogahay in aad tahay qofjecel kheyrka”
Anigu waan qiireysanaa marka uu macallinku ii waday sheekada, mararka qaar waxa aan sawiranayay anigoo ku jira Jannada, kuna raaxeysanaaya. Sidaas awgeed maan diidin hadalka macallinkeyga, wax aan u sheegay in aan qaatay goaankaas. Waa uu qoslay gacantana madaxa ayuu igasaaray isagaoo ii salaaxaya.“Waan kugu ogaa in aad tahay rijaalrijaaldhalay” ayuu ii siiraaciyay.Go’aankii aan qaatay cidna lama aanan wadaagin e, qaar ka mid ah dharkeyga ayaan bacmadow ku ritay,gurigii aannu Macalinka ku ballannay ayaanna ugutagay. Inta ananba salka dhulkadhigan, ayaa waxa aan maqlay Gaadhiguuxiisa.
“Nooistaaji” ayuu macalinkii dhahay. Baabuurkii ayaannu fuulnay, waxuuna na hor istaajiyay guriweyn hortiisa. Gurigii ayaan galnay, waxaaba bannaanka guriga hortaagan dhallinyaro aad u yaryar, qiyaas ahaanna waxaan kuqiyaasay 70 dhalinyaro oo carruur ah. qolirrid banaan ah ayaa waxaa ka soo baxay nin garweyn leh, oon buurneyn caatana aan ahayn, dhexdhexaad ayuu ahaa. “Isku soo dhawaada” ayuu hadal kiisa kubilaabay. Toddobo Saf ayaan Safafkii wadagalnay. Waxa uu bilawday hadalkiisa,waxaanna ka midahaa; “Waan kufaraxsanahay maanta in aydiyaaryihiin toddobaatan dhallinyaro ah, oo u diyaar ah in ay kor u qaadaan raayadan.Cadowga maanta waa u naxdin waxa ay dareemayaan carriiri Takbiirdheh“Allaah u kabar”.
Tababbar ayaa idiin bilaabanaaya, hal bil ah. Gawaarida aan sugeyno marka ay innoo imaadaan ayaad raaceysaan.”Dhowr daqiiqo ka dib khudbaddii Amiirka, waxaa noo yimid dhowr gaadhi, gawaaridii ayaana nala saaray sidii xoolaha oo kale. Durba waxa aan dareemay kuleyl iyo cariiri.
Gaarigii dhexdiisa waxa aan iskabarannay Muriidi.In ka badan Lix saacadood markaaan saarneyn Gaadhiga ayaan ka degnay. Xeradii aan kaga degnay waa mugdi oo Laydh ka mashidna, marmar ayaa arkeysa tooshash meel ka shidmaayo, saacaddu waaToban kii habeenimo. Amiirka xerada Abuu Cubeyda ayaanagu yirii ska jiifta, mid kamid ah dhallinyaradii ayaa weyddiiyaysu’aal “halkeen jiifanaa” ayuu kuyiri. Intuu qoslay ayu uugu jawaabay “carradaan ayaad jiifaneysaa, kabahaagana barkin ka dhigo, akhii”.
Qof walba halkii u dhaweyd ayuu madaxadhigtay. Haddii aan ku jiifanjiray sariir iyo Joodari laisdulsaaray, caawa ciidda an duljiifaa, baahi xun ayaa na iheyso, hurdaba waa ayigaimaanla’dahay. Salaaddii subax inta aan la gaarin waxa aan maqlay nin cod weyn leh kuna qeylinaaya “u kaca salaadda.” Waan booday oon istaagay, markeygii horeba waan dhagafududaa e, dhowr mar ayuu kuceliyay gacantana waxa uu kuwataa Shaabuugweyn. in badan dhallinyaradii waaay kaceen, qaar baase hurdada u macaanaatay ku daahday. Shaabuuggii uu watay ayuu saf kala maray, Ku waa ba iskaooyay. Markii aan wada kacnay waxa uu inn oo tilmaamay baraag ay kujiraan biyo badan oo ay hortubanyihiin koombooyin. In aan kuweysaqaadanno ayaann ubilownay. Markii aanS alaadda ka soobaxnayba, waxaa noobilawday tababbarkii maalintii koowaad.Sidiibaan u baahannahay, qaar kayo wuu awoodi waayey tababbarka, waxaana lala daba socdaa ulo, laguna garaacayaa.Danta ayaa kugu qasbeyso in aad ka qaybqaadato.Duhurkii ayaa noogu horreysay wax cunno ah, qof qof ayaana loogu soo guray saxan yar xoogaa bariis kulul ah, in aad dharagtid warkeeda iskadaa, oo intii noola soo gurayna na babaahitirin.
Intiiaan kujirnay xerada waxa aan saaxiibnay Muriidi, waxa uu na iigawarramay waayihiisa nololeed. Muriidi Aabbihii iyo Hooyadii waxa ay geeriyoodeen isaga oo 6 sano jira. Waxa uu waayay ciddaryeesha, tarbiyeysa, xannaaneysa oo geysa tacliin. Baahidu waxa ay kuqasabtay inuu shaqeysto. Waxa uu bilaabay in uunoqdo Baalashle, Baalashlaha aayuukushaqeysanjiray. Hoy uu ku hoydo ma laheyn. Waxaa hoy u ahaa maalinba meesha uu gabbalku ugu dhaco. Bulshada uu ushaqeeyo kana shaqeysto uma naxariistaan, qaar ka mid ahna waa ay dilaan waana ay ka dhacaan xoolaha uu shaqeysto. Da’ ahaan markii uu gaadhay 13 sano ayaa waxauugo’aansaday in uukubiiro Ururka Diineed.
Durbadaruufoxanuunnomurugolehdabadeebtababbarkiiwaauunoosoodhammaaday, aroortiinawaxaanaloosooqaadayMagaladaMuqdisho. Xeroayaa nala dajiyay, maalintiikuxigtaynawaxaanalooqaybiyayKhamiisyobaakistaani ah, Sarwuulkiisa, iyohubkanoocyadiisa kala duwan. Caawadiyaarbaannahay. WaxaanooyimidAbuu Muslim, Khudbaddheer ka dib waxauunoosheegaycaawa in aanweeraridoonnociidamaDowladdaiyoAmisom. Baabuur baa nalagusooqaaday. Halkaaanweeraridoonnomeel ka fog ayaanugadagnaygaadiidkiiaanwadannay.Saacad ka dib weerarbaanqaadnay, dhegahaygawaxaaankumaqlijiraydagaaldhaco, caawaanigaa ka mid ah, waxaaannadareemayaanaxdiniyocabsi.
Dagaalka waxaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalku daqiiqdaba daqiiqada ka dambeysa waa uu siikulunayaa oo saacadka badan ayuu socday.Ujeeddadeennu waxa ay aheyd ku dhufoo kadhaqaaq.Qaar innaga mid ah waa ay dhinteen kuwa kalena waaay dhaawacmeen.Ku wiimeydka ahaa waan soojiidnay kuwii dhaawaca ahaanna waa la dhammeystiray, dhammaan waan soo wayddiinnay. 8 meyd ah ayaan sooqaadnay, waxaa annuna kusoo laabannay xeradii aandegganeyn. Amiir Abuu Muslim ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa noo jeediyay, waxaana ka mid ah; “Maanta waa maalin qiima badan, kuwa badan oo Gaala iyo Gaalaraac ah ayaan gacmaheenna kudilnay, maxaa ka qiimabadan qof fasahaad ku wadayarladaan in sabab dilkiisa lagaagadhigo“AllaahuAkbar”manta walaalaheenna Shahiiday waa ay innaga nasiib badannyihiin Jannada ayay sidaas kugaleen”
Maalintii aan kubiirayay kooxda, Dugsiga waxa aan dhiganayay Fasalka Koowaadee dugsiga sare. Waxa aan ahaa wiil cad, cayilan, quruxbadan, xarrago badan, oo farxad kunool.Maantase dhar wax aan ka leeyahay hal Khamiis iyo Cimmaamadaan Afka kuduubto iyo kabo dhammaad ah. Waan dhuubtay, qoriga aan wato ma qaadikaro.
Abuu Xasan ayaa noo wacay aniga iyo Muriidi waxa uu noosheegay inaan qabaneyno camal (shaqo) aan Alle ugudhawaaneyno, waajibna ay nagutahay fulinteedu. Waxa uu noodhiibay laba Miino, waxa uuna noo sheegay in aanku aasno waddada dhinaceeda. Gaadhi Madoow ayuu innagu sooqaaday, halkii aan kuaasi rabnay ayuu noo tilmaamay waxa uuna guyiri “halkaas ku aasa, meeshana yaan idin kusugayaa e.” Waqtigu waa Salaadda subax ka hor. Intii aan wadnay aasidda Miinada waa ay nala qaraxday aniga iyo Muriidiba.
Muriidi halkaas ayuu kun afbaxay, aniguna waxa aankuwaayay labadeyda lugood. Baabuurkii ayuu nagu sooqaaday AbuuXasan, sida uu noo lasoocararay ayay uuna dhigay xeradii. Muriidi waa la aasay, waxaanna lagu aasay qabuuro noodhawaa, aniguna waxaan ku silcayaa xerada, mahelin daryeel caafimaad, xeradiina waa la iga soo eryay waxa aan iswayddiinayaa “maxaa ay ii ciidamiyeen haddii aynna idaryeeli Karin” Nasiibxumiyaa!