Puntland Women Writers Association

Kamaal Shaacir

MAANSO ( Dumar  waa Hadhmacaan ) Dumar waa hibadeena oo Hanti weeye adduunyoo Eebbe noo hadiyeeyayoo Huri mayno wanaagiyoo Halkay noogu jiraane Waa in loo halgamaaye Nafteenaa u huraanaayoo Iyagaa na habaayayoo Horaadkii najaqsiiyayoo Habeenkii iyo maalin Markay hiirtu dilaacdo Iyagaa huraddii iyo Ka huleelayay jiifka oo Marna aan hadhsanayne Waa in loo halgamaaye Naftna aan u hurnaaye Iyagaan nahabaabinoo Hagaag noo korinayayoo Noogu deeqay horaadkiyo Caano aan la helayne Waa in loo hal gamaayoo Nafta aan u hurnaaye Naxariis iyo haybiyoo Hadalkaaga wanaagsan Markaad hooyo tidhaahdo Sidaan kugu hilooba een Hareertaada u joogo Hadhacaaga agtiisaan Ku haraad baxaynaaye Waa in loo hal gamaayoo Nafta aan u hurnaaye Qofkii aan hugun kaagiyo Hawraartaa dhagaysan Hoobaalaydi u qaadin Uu habbaabirayaayoo Hurdaduu ka sasaaye Waa in loo hal gamaayoo Nafta aan u hurnaaye Hal haysbaa o dhanaayey Nin hoggaan ku wacaanada Nin halyey lala yaabo Hanadkii lagu raysto Haldoor guulaha gaadha Hal-abuur lagu faano Haweenbaa ka danbeeya Miyaa taa la hilmaamey Hadhaceeda fardawsa Hoobanteeda bislaatey Hadh qabaw iyo nuurka janno loo haminaayo hanti aan lagu goynin ka hungoobayo gaalku adoomuhu hirtaana saw hoosteeda ma taalo ninkay hooyo habaartey isna aan ka hagaagin hadafkiisa magaadhoo hoos uun buu u dhacaayoo hadimaa u danbaysa Waa in loo halgamaayoo Nafta aan u hurnaaye Hoygii aan dumar jooyin Ama aanay hagajin Hurdo kuu qaban maysa oo Waadka haajiri uune Waa in loo halgamaayoo Nafta aan u hurnaaye Wuxuunbaa taba hooyo Ninkii aaney horgooninee Xabaal looga hamsiiyayeen Hummaageeda arkayne Akhlaaqdii ka halaabey Asaagiisana hiigsan ee Haddal kooba xaqeeda Maanta waan heelayne Intay kuu halgamaysay Intayhaankakusaartey Intaaduurkahurdaysay Intaadnuugtayhoraadka Inatayfooshahantaaqdey Maalintaad ka habawdow Sidaykuguhilawdo Hagardaamo u gaadho Huqda ciilka ku raga Markii ay hadhsanwaydoo Sidaykuguharaado Eehelabeloda u hayso Ilaahowhibadaada Maalintaykuhorjoogto Ruuxna aannu haddlaynin Ninba hawshu sugayso Cishadaa u hadheeyoo Hoosiiskeedafardawsa Hoobaanteed gurtaayoo Hurdadii kuladdaayoo Mar uun haakah tidhaayee
Scroll to Top