SOMALI ORAL LITERATURE AWARDS 2019
GULAYSTAYAASHII 2019 Cabduraxmaan AxmedXasan (AWTAAD) Maanso Gulaystaha – kowaad ( Qaran-Doon ) Maansada qabiir baan ku ahay qaabka loo dhigo’e Indhaweydse kumaanan qorin qubaneheediiye Waayadan qarracan baan ahaa qulub daraaddiiye Qalfooftayda uumbaad arkiye qaayib baan ahaye Qiiray dadkaygow ilmadu iiga qubataaye Intaa waan qunuudaa sidii daaci qaariyahe Qalbigaygu wuu qaadayaa qoomkanoo idile Qolo qolona waan necebihiyo ruux qabyaaliya’e Abwaan qaran ayaan ahay haddaad igu qancaysaane Maantana wax baan qoonsadoo aad u qaro weyne Gabay aad qumbulad mooddo baan soo qaddimayaaye Qoodhiin iyo xeradiin tixdani waydin qabataaye Qudbad weeye aan idin la rabo inaydun qaaddaane Qalbigiinna ii fura tixdani waa mid qaaliya’e War dadkiinnan qiiraysanow qabar ma haysaane Xogta qaalibkeedii anaa Qaasinow helaye Duulkani qiyaanay wadaan been qasaasilane Inkastoo dalkani qani yahoo qadanku uu buuxo Qaxoontiga biyaha tuugayee xero ku qawdaaran Qaraxyada dadkeennii madhshee lagu qudhgoynaayo Qabiillada iswada laynayiyo aanadiyo qoofka Wadaaddadan isqayb qaybiyee kala qaloonaaya Ee diintu waa shay qudhee qolaba meel aadday Darbi-jiifkan qaaqaawanee qudhunka nuugaaya Qadafkiyo kufsiga qaali dumar qaladka loo geysan Ciidammadan midh aan qabaninnee laamiyada qaada Mar hadday ku qayb qaybiyaan way ku qalayaane Shisheeyahakan qayraadka iyo cunaya quudkeenna Qalbigay xanuusada sidaan qaafilkaw nahaye Qilaafiyo dhibaatiyo haddii qaxarku joogtoobay In wax laga qabtaa dawladnimo loo qotomiyaaye Balse nimanki aan qaybinnee qaranka loo dhiibay Qarbigiyo Imaaraadka bay daba qableeyaane Qaar baw qabbaanoo intaa waw qulqulayaane Waa niman qadhaabdoon tagoo qiimahood dhacaye Nama qabato soomaaliyeey quudhsi iyo liide Qofnimada la iibsanahayee quudka laga doortay Qayrkaa inaad tuugsatood qamandhacoon weydo Allyeylehe wax ‘qaaq’ laga dhihiyo waa quduro weyne Qabkii iyo hankii baa dhintoo qiiradii maleh Sida adhi qabaal loo dhigoo jeel …