Puntland Women Writers Association

Cabdulraxmaan Axmed

MAANSO ( Qaran-Doon) Maansada qabiir baan ku ahay qaabka loo dhigo’e Indhaweydse kumaanan qorin qubaneheediiye Waayadan qarracan baan ahaa qulub daraaddiiye Qalfooftayda uumbaad arkiye qaayib baan ahaye Qiiray dadkaygow ilmadu iiga qubataaye Intaa waan qunuudaa sidii daaci qaariyahe Qalbigaygu wuu qaadayaa qoomkanoo idile Qolo qolona waan necebihiyo ruux qabyaaliya’e Abwaan qaran ayaan ahay haddaad igu qancaysaane Maantana wax baan qoonsadoo aad u qaro weyne Gabay aad qumbulad mooddo baan soo qaddimayaaye Qoodhiin iyo xeradiin tixdani waydin qabataaye Qudbad weeye aan idin la rabo inaydun qaaddaane Qalbigiinna ii fura tixdani waa mid qaaliya’e War dadkiinnan qiiraysanow qabar ma haysaane Xogta qaalibkeedii anaa Qaasinow helaye Duulkani qiyaanay wadaan been qasaasilane Inkastoo dalkani qani yahoo qadanku uu buuxo Qaxoontiga biyaha tuugayee xero ku qawdaaran Qaraxyada dadkeennii madhshee lagu qudhgoynaayo Qabiillada iswada laynayiyo aanadiyo qoofka Wadaaddadan isqayb qaybiyee kala qaloonaaya Ee diintu waa shay qudhee qolaba meel aadday Darbi-jiifkan qaaqaawanee qudhunka nuugaaya Qadafkiyo kufsiga qaali dumar qaladka loo geysan Ciidammadan midh aan qabaninnee laamiyada qaada Mar hadday ku qayb qaybiyaan way ku qalayaane   Shisheeyahakan qayraadka iyo cunaya quudkeenna Qalbigay xanuusada sidaan qaafilkaw nahaye Qilaafiyo dhibaatiyo haddii qaxarku joogtoobay In wax laga qabtaa dawladnimo loo qotomiyaaye Balse nimanki aan qaybinnee qaranka loo dhiibay   Qarbigiyo Imaaraadka bay daba qableeyaane Qaar baw qabbaanoo intaa waw qulqulayaane Waa niman qadhaabdoon tagoo qiimahood dhacaye Nama qabato soomaaliyeey quudhsi iyo liide Qofnimada la iibsanahayee quudka laga doortay Qayrkaa inaad tuugsatood qamandhacoon weydo Allyeylehe wax ‘qaaq’ laga dhihiyo waa quduro weyne Qabkii iyo hankii baa dhintoo qiiradii maleh Sida adhi qabaal loo dhigoo jeel la qubanayaaya   Waxa lagu qamaamaayo waa xoolihii qarane Qudhqudhadu magaabada ka wayn geeljiraa qiraye Qasnadaa la wada buuxsadoon cidu ka qaadayne Mar haddii qofkaan aamminnaba nala qiyaanaayo Oy qawda maqashii un tahay shayna haw qabannin Oo aan qofina noo maqnayn qaayid baan jirine Anigays xilqaamoo u qumay qadiyaddeennaase Xilka qaran ayaan doonayaa qabashadiisaase   Qabanqaabadiisaan wadaa qaabka loo maro Xagarkii qayoof baan ku koray qaydhabnimadiiye Weligayna hawl aan u qumay qiil kamuu imane Ballan waxaan ku qaadaana waa inay qabsoomaane Allaha Qaaddirka ah baan baryoo ii qareen noqone Idinkuna ha qaaddicina waad ku qanci doontaane Waxba gabayga yaan sii qurbine waan qatimayaaye Qumbe dhacay dibbaa laga qabtaa loo qotomiyaaye Mar uumbuu Allaha Qaadirka ah qiil inoo furiye War ha quusannina dawladnimo waa wax noo qorane.  
Scroll to Top