Puntland Women Writers Association

Abubakar Cabdullaahi

Allah  waxa uu iga beeray laba waalid oo aad ii jecel, igu dadaalay, kuna   dadaalaya in inta ay naftu igujirto ee aan carradan dusheeda saranahay aanan ciil iyo caloolxuma toona kunoolaan. Sidoo kale, ku dadaalaaya inaan ku noolaado nolol qurux  badan oo aan   qeyrkeyga ka liidan. Markii aan gaadhayda’da waxbarashada waxa ay isooqoreen malcaamad aanka fogeyn xaafadda aan degganayn. Maalintiikoowaad ee aan tagay dugsiga Qur’aanka waxa aandareemayay farxad, sababtoo ah waxaaan jeclaa in aan noqdo XaafidulQur’aan, oo aadbaan ugu dadaali jiray barashadiisa. Waqtigeyga inta ugu badan waxa aangalin jiray dhageysiga Qur’aanka, akhrintiisa, iyoxifdintiisa.  Waqtigu waa uu cararayaa, oo durba waxaa kasoo wareegtay 3 sano iyo dheeraad. Maanta waxa ay ii tahay maalin farxadeed, oo waxaaan dhammeeyay  Qur’aanka, oo guradaayaanqaybay. Soddonka Jus. Labadeyda waalid waxa ay igu hambelyeeyeen in aan dushaka qabtay Qawlka Eebbe weyne. Hooyo iyo Aabbo waxa ay macallinkeyga ukeeneen labaMacawis Sabar ah, laba Shaar iyo lacag. Macallin Maxammed waa ii duceeyay, sidaas ayuunna igu  sagootiyay. Saaka waa subax Axad ah, waxaa la iisooqoray Dugsi. Waxaa suuqa la iiga sooiibiyay Shaar caddaan ah, Surwaal baluug  ah, iyo Kabo Buudh ah. Fasalka sannadkan aan dhigan doono waxaa wax ka barta kudhawaad Afartameeyo ardey. Aabbe Xasan waxa uu ka shaqeeyaa mid ka mid ah Shirkadaha isgaadhsiinta Dalka hooyo. Hooyo Faadumo waxa ay leedahay Carwo lagu iibiyo Dharka. Malcaamaddii kama  aanan tagin  waxa aan ka noqday Kabiir. Macallin/bare  Maxammed ayaan caawiyaa galabtii, oo ardeyda ayaan kala eegaa. Bare Maxammed waa aftahan sheekayaqaan ah, oo kuxeeldheer sida adanaha looga dhaadhiciyo afkaarta.  Waayadii dambe waxa uubilaabay inuu ilawadaago wacdi  kusaabsan Jihaadka, mararka qaarkoodna waxa uunoo daarijiray Canjalado lagasoo duubay dad isqarxinaya, kuwa la dilaayo, dhallinyaro, iyo carruur la tababbarayo. Inta uu damiyo muuqaalka ayuu igu odhanjiray; “Waaasaaggaa waxa ay difaacayaan sharafta Islaamka, haddii ay dhintaan waxa ay galayaan Jannada, haddii ay noolaadaanna waxaay kunoolaanayaan nolol xayaata leh.” Waa galabnimo arbaca ah saacaduwaxaay kubeegantahay Abbaaro 5:45pm. Ardeydii Madarasadda waa la fasaxay, labadayada ayaa kusoo hadhnay Madarasadda. Waxaa hadalka bilaabay Ustaad Maxamed “Muscaboow, waad weynaatay maanta waxaaad ku jirtaa da’dii muslimiinta aad ugargaarilaheyd, ee aad u khidmeynlaheyd. Waxa aan kusiinayaa talo ku anficidoonta adduun iyo aakhiroba. Maanta waad aragtaa waddammada islaamku sida ayyihiin awood ahaan iyo dhaqaale ahaan. Waxaa u taliya  hoggaamiyaal  Gaalo-raac ah, kana amarqaata kuna xukuma shuruuc ay qoreen baadariyiin. Waxaa loo baahanyahay in dunida ay kataliyaan Amiirro, kumana imaneyso in aan iskafadhino, cabno, cunno oo jiifsano.  Waxa ay ku imaneysaa dhallinyaro u kacda waqtina u hura daafacidda karaamada dadkeenna. Maanta waxaaad tahay nin dhallinyara ah, caafimaadqaba, firaaqa heysta, haddii aadan ugafaaii’deysan Jihaadka, aakhira waa lagu weydiindoonaa, Muscab yare, mujaahidiinta xaqu-dirirka waa in aad kubiirtaa.Maalinnimada Jimcada ah waxaad raacidoontaa dhallinyaro ku soobiirtay Xarakada, loona qaadidoono Tababbar.” Hadalka waxa uu ii siiraaciyay “Waan kuogahay in aad tahay qofjecel kheyrka” Anigu  waan qiireysanaa marka uu macallinku ii waday sheekada, mararka qaar waxa aan sawiranayay anigoo ku jira Jannada, kuna raaxeysanaaya. Sidaas awgeed maan diidin hadalka macallinkeyga, wax aan u sheegay in aan qaatay goaankaas. Waa uu qoslay gacantana madaxa ayuu igasaaray isagaoo ii salaaxaya.“Waan kugu ogaa in aad tahay rijaalrijaaldhalay” ayuu ii siiraaciyay.Go’aankii aan qaatay cidna lama aanan wadaagin e, qaar ka mid ah dharkeyga ayaan bacmadow ku ritay,gurigii aannu Macalinka ku ballannay ayaanna ugutagay. Inta ananba salka dhulkadhigan, ayaa waxa aan maqlay Gaadhiguuxiisa. Nooistaaji” ayuu macalinkii dhahay. Baabuurkii ayaannu fuulnay, waxuuna na hor istaajiyay guriweyn hortiisa. Gurigii ayaan galnay, waxaaba bannaanka guriga hortaagan dhallinyaro aad u yaryar, qiyaas ahaanna waxaan kuqiyaasay 70 dhalinyaro oo carruur ah. qolirrid banaan ah ayaa waxaa ka soo baxay nin garweyn leh, oon buurneyn caatana aan ahayn, dhexdhexaad ayuu ahaa. “Isku soo dhawaada” ayuu hadal kiisa kubilaabay. Toddobo Saf ayaan Safafkii wadagalnay. Waxa uu bilawday hadalkiisa,waxaanna ka midahaa; “Waan kufaraxsanahay maanta in aydiyaaryihiin toddobaatan dhallinyaro ah, oo u diyaar ah in ay kor u qaadaan raayadan.Cadowga maanta waa u naxdin waxa ay dareemayaan carriiri Takbiirdheh“Allaah u kabar”. Tababbar  ayaa  idiin bilaabanaaya, hal bil ah. Gawaarida  aan sugeyno marka ay innoo imaadaan ayaad raaceysaan.”Dhowr daqiiqo ka dib khudbaddii Amiirka, waxaa noo yimid dhowr gaadhi, gawaaridii ayaana nala saaray sidii xoolaha oo kale. Durba waxa aan dareemay kuleyl iyo cariiri. Gaarigii dhexdiisa waxa aan iskabarannay Muriidi.In ka badan Lix  saacadood markaaan saarneyn Gaadhiga ayaan ka degnay. Xeradii aan kaga degnay waa mugdi oo Laydh ka mashidna, marmar ayaa arkeysa tooshash meel ka shidmaayo, saacaddu waaToban kii habeenimo. Amiirka xerada Abuu Cubeyda ayaanagu yirii ska jiifta, mid kamid ah dhallinyaradii ayaa weyddiiyaysu’aal “halkeen jiifanaa” ayuu kuyiri. Intuu qoslay ayu uugu jawaabay “carradaan ayaad jiifaneysaa, kabahaagana barkin ka dhigo, akhii”. Qof walba halkii u dhaweyd ayuu madaxadhigtay. Haddii aan ku jiifanjiray sariir iyo Joodari laisdulsaaray, caawa ciidda an duljiifaa, baahi xun ayaa na iheyso, hurdaba waa ayigaimaanla’dahay. Salaaddii subax inta aan la gaarin waxa aan maqlay nin cod weyn leh kuna qeylinaaya “u kaca salaadda.” Waan booday oon istaagay, markeygii horeba waan dhagafududaa e, dhowr mar ayuu kuceliyay gacantana
Scroll to Top